Wasiirka arrimaha gudaha ee XFS oo la kulmay 135 oday ee dhaqanka Soomaaliyeed

0
78

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cali Yuusuf Cali(Xoosh) ayaa qaabilay odeyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee 135-ta.

Kulankan oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa agaasimaha guud ee Wasaaradda mudane Caydaruus Macallin ayaa ugu horeeyn Wasiir Cali Xoosh waxa uu odayaasha dhaqanka warbixin ka siiyey 3-da xeer ee doorashada ee Baarlamaanka ansixiyay sida; (1). Xeerka Dhisidda Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (2). Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (3.) Xeerka Doorashooyinka Qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya isaga oo ku dheeraaday heerarka ay soo mareen, waxaa uuna carabka ku adkeeyey in dhaqanka ay mar walba hormuud ka yihiin hagidda bulshada.

Dhankooda odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ayaa si weyn u taageeray xeerarkaas doorashada ee Baarlamaanku ansixiyey, iyaga oo intaa raaciyey in isbadalkaasi uu yahay horusocod wanaagsan, taasina ay ku garab taagan yihiin.

Odayaasha ayaa tallaabo muhiim ah oo taageero mudan ku tilmaamay in shacabka loo celiyo codkooda, iyaga oo ka dalbaday umadda in ay u diyaargaroobaan in ay toos u doortaan dadkii matali lahaa, doorashada qof iyo cod ahna ay tahay cadaalad la iska dhex arkayo.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here