Wararkii ugu dambeeyey diyaarad dagaal oo ku dhacday deegaan hoostaga degmada Mahadaay

0
23

Warar aan ka heleyno degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka loo yaqaan ay ku soo dhacday deegaanka Cali Fool-dheere ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Diyaaradan Drones-ka ah, ayaa burburtay daqiiqado kaddib, Markii ay dhowr gantaal ku dhufatay deegaanka ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab oo aan ka fogeyn Cali Fool-dheere sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka Ammaanka ah.

Sidoo kale, Diyaarardan,  ayaa waxa ay ku dhacday Taawarka wayn ee Shirkadda is-gaarsiinta Hormuud ee deegaanka Cali Fool-dheere ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Weli saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugan degmada ma aysan bixin faaf faahin dheeraad ah oo ku saabsan shil diyaaradeed iyo waxa sababay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here