Site icon rnnsomalitv

Wararkii ugu dambeeyey diyaarad dagaal oo ku dhacday deegaan hoostaga degmada Mahadaay

Warar aan ka heleyno degmadda Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee Drone-ka loo yaqaan ay ku soo dhacday deegaanka Cali Fool-dheere ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Diyaaradan Drones-ka ah, ayaa burburtay daqiiqado kaddib, Markii ay dhowr gantaal ku dhufatay deegaanka ay ku sugnaayeen kooxda Al-Shabaab oo aan ka fogeyn Cali Fool-dheere sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhanka Ammaanka ah.

Sidoo kale, Diyaarardan,  ayaa waxa ay ku dhacday Taawarka wayn ee Shirkadda is-gaarsiinta Hormuud ee deegaanka Cali Fool-dheere ee Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Weli saraakiisha ciidamada xoogga dalka eek u sugan degmada ma aysan bixin faaf faahin dheeraad ah oo ku saabsan shil diyaaradeed iyo waxa sababay.

Exit mobile version