Soomaaliya ayaa 54 sano kaddib shalay si toos ah xubin uga noqotay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Waxa ayna Soomaaliya kamid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aan joogtada aheyn.
Kursiga ayey soomaaliya ku matali doontaa bariga Afrika, muddo labo sannadood oo ka bilaabeysa 1-da bishaan Janaayo, ee sanadkan ilaa iyo 2026-ka.
Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”
Booskan ayaa Soomaaliya loo doortay bishii June ee sannadkii 2024-ka waxaana isku mar shalay golaha ammaanka ku soo biiray dalalka Panama Denmark, Pakistan iyo Giriigga.
