Site icon rnnsomalitv

Soomaaliya oo Nus Qarni kaddib fariisan doonta fadhiyada golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

Soomaaliya ayaa 54 sano kaddib shalay si toos ah  xubin uga noqotay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Waxa ayna Soomaaliya kamid noqotay 15-ka xubnood ee uu ka kooban yahay golaha ammaanka, gaar ahaan 10-ka xubnood ee aan joogtada aheyn.

Kursiga ayey soomaaliya ku matali doontaa bariga Afrika, muddo labo sannadood oo ka bilaabeysa 1-da bishaan Janaayo, ee sanadkan ilaa iyo 2026-ka.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobey Mudane Abuukar Daahir Cismaan (Abuukar Baalle) ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray wuxuu ku yiri, “Waxaa naga go’an inaan ilaalino Axdiga Qaramada Midoobay, waxaana u heellannahay ilaalinta nabadda iyo amniga caalamiga ah.”

Booskan ayaa Soomaaliya loo doortay  bishii June ee sannadkii 2024-ka waxaana isku mar shalay golaha ammaanka ku soo biiray dalalka Panama Denmark,  Pakistan iyo Giriigga.

 

 

Exit mobile version