Puntland oo shaaciyay in dad la Nolo HIV ay joojiyeen qaadashada daawada kaddib faquuq ay la kulmeen

0
98

Hay’adda Putland ee la dagaalaka Cudur AIDS-ka  ee (PAC) ayaa waxa asoo bandhigtay xog muujineysa in guud ahaan 646 qof ay qataan daawooyinka HIV ee deegaannada Maamulka Puntland

Xogtaan ayaa lagu soo bandhigay munaasabadda lagu xusayay Maalinta AIDS-ka Adduunka.

Magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso, iyo Garoowe ayaa kamid ah meelaha ugu badan ee dadka qaba HIV ay ka helaan daawooyinka, sida ay PAC sheegtay. Tirakoobka ayaa sidaan ah

Waxa ayna kala yihiin tirada:

Gaalkacyo: 205 qof

Garoowe: 197 qof

Boosaaso: 181 qof

Qardho: 54 qof

Badhan: 9 qof

Hay’adda PAC ayaa intaa ku dartay in tiradaasi aysan ahayn guud ahaan dadka qaba xanuunka HIV ee Puntland, maaddaama ay jiraan dad laga helay xanuunka balse aan qaadan daawooyinka.

Agaasimaha hay’adda la dagaalanka AIDs-ka ee PAC, Cabdiqaadir Burburshe ayaa sheegay inay jiraan dad badan oo joojiyay qaadashada dawada kaalmaatiga ah ee HIV, sababa la xiriira faquuqa ay la kulmaan.

Sidoo kale Agaasimaha hay’adda Cabdulqaadir Burburshe, ayaa carabka ku dhuftay inay gacanta ku hayaan siyaasad lagu xakamaynayo faquuqa ka dhanka ah dadka qaba cudurkan. Wuxuu kaloo sheegay inay ku howlan yihiin sidii loogu qancin lahaa inay dawada qaataan dadka joojiyay qaadashada dawada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here