Muxuu kala hadlay Duqa Muqdisho wefdiga kasocday Hay’adda Cunada ee WFP ?

0
77

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kulan la qaatay wafti ka socday Hey’adda Qaramada Midoobe u qaabilsan cunada ee WFP oo uu hogaaminayay Kuxigeenka Wakiilka Hay’adda WFP ee Soomaaliya Marco Selva.

Madaxda Gobolka Banaadir iyo Hey’adda WFP ayaa ka wada hadlay xoojinta xiirirka labada dhinac, dardargelinta Howlaha Bani’aadannimo, taageerida Barakacayaasha iyo dadka nugul ee ku nool Gobolka Banadir, iyadoona labada dhinac ay kala saxiixdeen Heshiis dhigaya Wadashaqeynta, Tayaynta kor joogtaynta iyo la socodka mashaariicaha laga fulinayo Gobolka Banaadir.

Sikastaba Guddoomiye Madaale ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxa uu aad u xoojiyay kulamada uu la qaadanayo hay’adaha ka howlgalla Magaalada Muqdisho ee gar-gaar bixiya,isaga oo kala hadlayay sidii ay wadashaqeynta ula lee yihiin Maamulka Gobolka Banaadir u xoojin lahayeen.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here