Baydhabo – Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si rasmi ah dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo, xarunta gobolka Baay, kadib markii ay magaalada Muqdisho uga qeyb galeen Shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Wafdiga Madaxweynaha waxaa si diirran loogu soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Dr. Shaati-Gaduud, iyadoo ay halkaasi kusoo dhoweeyeen Ku-simaha Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ahna Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad, Mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Saraakiil ka tirsan Hay’adaha Amniga, iyo wakiillo ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshada.
Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee ka dhacay Muqdisho ayaa lagu falanqeeyay arrimo muhiim ah oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, amniga guud ee dalka, iyo is-afgarad siyaasadeed oo dhexmara Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah.
Madaxweyne Laftagareen ayaa la filayaa in uu warbixin ka siiyo shacabka Koonfur Galbeed wixii kasoo baxay shirkaas iyo doorka ay dowlad-goboleedkiisu ka ciyaartay.
