Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo la kulmay madax ka socotay hay’addo caalami ah

0
43

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kulan kula qaatay Madaxda Hey’adda UNOPS, Hydra Nova iyo Madaxda xafiiska Bangiga Aduunka (World Bank) u qaabilsan Mashruuca Nagaad ee lagu horumarinaayo Kaabayaasha Muqdisho.

Hey’adda UNOPS, Hydra Nova iyo Agaasinka Guud ee Howlaha Guud ayaa soo bandhigay warbixin dhameystiran oo ku aadan sahminta iyo daraasadaha laga soo sameeyay sidii xal waara loogu heli lahaa Biya-mareenada Magaalada Muqdisho, dhameystirka naqshada biya-mareennada (Masterplan for Trunk Drainages) oo lixdan cisho gudahooda lagu soo dhameystiraayo iyo qorshaha lagu dhisaayo waddooyin cusub oo laami ah oo iyaduna bartamaha bisha February la saxiixayo heshiiskeeda dhismo.

Duqa Muqdisho ayaa ku nuux-nuuxsaday sida ay muhiim ugu tahay dar-dargelinta qorshaha lagu dhisaayo biya-mareennada caasimadda, si xal waara looga helo dhibaatooyinka soo wajaha Magaalada Muqdisho xilli roobaadka, asigoona faray Madaxda Howlaha Guud iyo Hey’addaha in sida ugu dhaw loo bilaabo dhisamaha biyo mareennada Magaalada Muqdisho.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here