Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in nawaaxiga xeendaabka Madaxtooyada ka rareyso Safaarada itoobiya ee Soomaaliya kadib go’aan ay wada gaareen Madaxda Sar sare ee dalka.
Sida ay aan kasoo xigtay ilo madaxtooyada ku dhow Madaxweynaha Iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa isla gartay in Safaarada itoobiya laga dhaqaajiyo agagaarka Madaxtooyada arimo badan aawgood waxaana la qorsheeyay in meel kale loo guuriyo si looga ilaaliyo xogaha gaarka ah ee dalka.
Sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa arintan loo fulin doonaa Waxaana tan ay noqonaysaa mid taabgasha ayaa la leeyahay hadda.
Dhowaan Wasaarada arimaha dibada Somaliya ayaa ku amartay Sarkaal sare oo ka tirsanaa itoobiya in 72-Saac uu uga baxo dalka kadib xad-gub uu ku sameeyay madax banaanida dalka taasi oo dad badan ay soo dhaweeyeen.
