DF Soomaaliya oo sheegtay in amniga dalka Itoobiya oo faraha ka baxay

0
58

Cabdiqaadir Maxamed Nuur Wasiirka gaashaandhigga soomaaliya, ayaa sheegay Itoobiya in ay u baahan tahay amni gudaheeda ah, isagoo sheegay in jabhado hubaysan ay magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa u jiraan masaafo dhan 40km.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga ayaa nasiib darro ku tilmaamay in Itoobiya oo gudaheeda dab ka holcayo ay isku daydo inay Soomaaliya ku sameyso faragalin, wuxuuna sheegay in aysan ogolaan doonin  taako kamid ah dhulka Soomaaliyeed.

“Soomaaliya kuma faraxsana waxa Itoobiya gudaheeda ka socda. Waxaan ognahay in Itoobiya dhexdeeda aan la isaga dhex safri karin sida Soomaaliya oo kale. Sidaas oo ay tahay, Itoobiya waxay doonaysaa inay maamusho gudaha dalkeenna, iyadoo meelo kamid ah dalka ay heshiis beenaadyo lasoo saxiixatay,” ayuu yiri wasiirku.

dhinaca kale Wasiirku wuxuu carabka ku dhuftay, in Soomaaliya waqti dhow ay ka xuroobi doonto ku tiirsanaanshaha ciidamada shisheeye, wuxuuna sheegay in ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed ay sugi doonaan amniga dalka.

Sikastaba, hadalka wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo aadaya iyadoo maalmo ka hor uu raysal wasaaraha Itoobiya sheegay inay ka go’an tahay fulinta heshiis badda ee ay la galeen Xukuumadda Somaliland.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here