
Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay RNN Somali TV ayaa xaqiijinaya in Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe”, laga eryi doono xilka maalinta Khamiista ee soo socota, kadib markii amniga dalka uu wajahayo xaalado qalafsan oo lagu eedeeyay inuu ku fashilmay.
Sanbaloolshe ayaa si weyn loogu dhaliilayaa inuu mas’uuliyiin aan khibrad ciidan iyo mid sirdoon toona lahayn u magacaabay xilal muhiim ah oo istaraatiiji ah. Sida ilo xog ogaal ah sheegayaan:
• Darawalkiisa ayuu u magacaabay Taliyaha Qeybta Galbeed ee NISA — waana xil muhiim ah oo u baahan aqoon iyo khibrad amni.
• Sidoo kale, nin ina adeerkiis ah ayuu u magacaabay Taliye ku xigeenka ilaalada dharcadka, taasoo dhalisay eedeymo culus oo la xiriira qaraabo-kiil iyo musuq.
Intaa waxaa dheer, Sanbaloolshe ayaa la sheegayaa inuu wado qorshe lagu fashilinayo Mahad Maxamed Salaad, taliyihii hore ee NISA, kaasoo la rumeysan yahay in dib loogu soo celinayo xilka todobaadkan.
Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay arrintan ayaa sare u kacday, iyadoo lagu wado in madaxda sare ee dowladda ay yeeshaan kulan degdeg ah si ay uga arrinsadaan hogaanka cusub ee NISA.
RNN Somali TV waxay sii wadeysaa dabagalka xogta arrintan la xiriirta.