DEGDEG: Sanbalooshe oo Laga Eryi Rabo Xilka NISA Khamiista, Eedeymo Ku Saabsan Musuq iyo Qorshe uu Kaga Hor Imaanayo Mahad Salaad

0
172
{"source_type":"vicut","exportType":"image_export","editType":"image_edit","data":{},"pictureId":"254952B6-B2B9-4174-AD0B-DA80C5BCE737","tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"capability_name":"retouch_edit_tool","client_key":"aw889s25wozf8s7e","picture_template_id":"","source_type":"vicut"}"}

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay RNN Somali TV ayaa sheegaya in Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA) Abdullahi Mohamed Ali “Sanbaloolshe” laga eryi rabo xilka maalinta Khamiista ee soo socota, kaddib fashil amni oo baahsan oo ay waajahday hay’addu.

Sanbaloolshe ayaa lagu eedeeyay inuu xilal muhiim ah siiyay dad aan lahayn wax khibrad ah oo ciidan ama sirdoon ah. Sida xogtu tilmaamayso:

• Wuxuu darawalkiisa u magacaabay Taliyaha Qeybta Galbeed ee NISA — boos istaraatiiji ah oo u baahan khibrad sare oo amni.

• Waxa uu taliye ku xigeenka ilaalada dharcadka u magacaabay nin ina adeerkiis ah, taasoo sare u qaaday eedeymaha ku aaddan eex iyo qaraabo-kiil.

Intaa waxaa dheer, Sanbaloolshe ayaa la sheegayaa inuu diyaarinayo qorshe uu ku fashilinayo Mahad Mohamed Salad, taliyihii hore ee NISA, kaasoo la rumeysan yahay in dib loogu soo celinayo xilka isbuucan.

Arrintan ayaa abuurtay loollan siyaasadeed oo xooggan oo dhex yaalla madaxtooyada iyo hay’adaha amniga, iyadoo madax sare lagu wado in ay kulan degdeg ah ka yeeshaan masiirka hogaanka NISA.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa xogaha cusub ee arrintan la xiriira.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here