Dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

0
55

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal saakay ka dhacay waaxda Ciise Cabdi ee degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu u dhaxeeyay ciidamo katirsan dowladda iyo kooxo hubeysan oo dhac ka waday halkaasi, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka ku dhintay labo ruux, halka tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in goobta uu dagaalka ka dhacay ay gareen ciidamo kale oo dowladda katirsan kuwaasi oo xiray aagga lagu diriray.

Goob jogayaal ayaa ku waramay in kooxaha hubeysan ay ku howlanaayeen falala dhac ah, kaddibna sidaas lagu wargeliyay ciidamada ammaanka oo goobta deg deg ku tagay.

Xaaladda ayaa kacsan waxaa daqiiqado kooban hakad galay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Dhinaca kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay laamaha amniga oo ay uga hadlayaan dagaalka maanta dhexmaray ciidanka dowladda iyo raga burcadda ah.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here