Kadib dagaalkii ka dhacay Raaskambooni, magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa hadda noqotay xarun cusub oo ay ku loolamayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya (DF) iyo Maamulka Jubbaland. Xiisadda siyaasadeed iyo maamul ee ka jirta Baardheere ayaa ka dhalatay khilaaf muddo soo jiitamayay oo ku saabsan gacan ku haynta gobolka Gedo.
Dowladda Federaalka ayaa la sheegay inay diyaarineyso qorshe cusub oo ku aaddan sidii ay uga adkaan lahayd saameynta Jubbaland ee gobolka, gaar ahaan Baardheere oo istiraatiiji u ah isku xirka gobollada. Qorshahan ayaa u muuqda mid lagu xoojinayo maamul-goboleedyo iyo in gobolka Gedo si gaar ah loo hoos geeyo dowladda dhexe.
Dhinaca kale, Jubbaland ayaa dadaal ugu jirta inay sii xoojiso saameynta ay ku leedahay Baardheere iyo guud ahaan gobolka Gedo, iyada oo sheegtay in maamulkeeda uu yahay mid sharci ah oo matala shacabka deegaanka.
Xaaladda magaalada ayaa hadda ah mid kacsan oo laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo milatari iyo siyaasadeed oo is barbar socda, halka odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ay ku baaqayaan in xiisadda si nabad ah loo xalliyo.
Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda ay dowladda dhexe la timaado tallaabooyin cusub oo siyaasadeed iyo amni si ay ugu guuleysato qorshaheeda ku aaddan gobolka Gedo iyo magaalada Baardheere. Loollanka xooggan ee ka taagan halkaas ayaa lagu tilmaamay mid saamayn weyn ku leh xaaladda guud ee Jubbaland iyo xiriirka kala dhaxeeya dowladda dhexe.
W/Q Mahad Timo weyne
