Golaha wasiirada oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

0
73

Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya oo shir guddoominayay Ra’iisul wasaare Xamsa Cabdi barre, ayaa maanta ka qabsoomay Magaqlqda Muqdisho.

Kulanka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee maanta ayaa lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan Qiimeynta Qaranka ee la-dagaallanka argagixisadda iyo lacag dhaqista maadama dowlada Soomaaliya hirgelisay joojinta ilaha dhaqaale ee ay ku tiirsanaayeen kooxaha Khawaarijta.

Shirka oo uu guddoominaayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka, gaar ahaan guulaha ciidamada qalabka sida ay ka gaareen dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha argagixisada iyo Qorshhaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025 — 2029).

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here