“Xog Cusub: Madaxweyne Xasan oo Casuumad u Diray Hoggaamiyeyaasha Siyaasadeed”

0
121

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah u bilaabay casuumaadaha rasmiga ah ee ku aaddan Gogosha Wadatashiga Qaran, taasoo la qorsheeyay in lagu qabto 15-ka Juun 2025.

Gogoshani oo uu madaxweynuhu ku dhawaaqay maalmo ka hor, ayaa lagu wado inay noqoto madal muhiim ah oo dib loogu furo wadahadallada siyaasadeed ee u dhexeeya saamileyda siyaasadda Soomaaliya, iyadoo diiradda lagu saari doono xallinta khilaafaadka taagan, dejinta hannaan doorasho, iyo dib u heshiisiin dhab ah.

Cida Casuumaadda Heshay:

Casuumaadda rasmiga ah waxaa loo diray:

• Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya

• Guddoonkii hore ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

• Ra’iisul Wasaareyaashii hore

• Madaxweynayaashii hore ee Dowlad-goboleedyada

• Wakiillo ka socda ururrada siyaasadeed

• Bulshada rayidka

• Siyaasiyiin kale oo miisaan leh

Wararka la helayo ayaa sheegaya in dowladda ay dadaal xooggan ku bixinayso in la helo ka-qaybgal buuxa si wadahadalladu u noqdaan kuwo daah-furan, dhab ah, oo loo dhan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, beesha caalamka ayaa sidoo kale si dhow ula socota gogoshani, iyadoo laga filayo in ay door muuqda ka ciyaarto dhiirrigelinta wada-xaajood hufan iyo ilaalinta xasiloonida siyaasadeed ee dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here