Nairobi, 8 Juun 2025 – Qaar ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula kulmay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).
Kulankan ayaa ahaa mid gaar ah oo ka dhacay xilli ay socdaan wada-tashiyo siyaasadeed oo xasaasi ah oo lagu falanqeynayo xaaladda dalka, gaar ahaan doorka mucaaradka ee arrimaha baarlamaanka iyo hab-dhaqanka dowladda dhexe.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa si diirran u soo dhoweeyay Xildhibaanada, isagoo uga mahadceliyay sida ay u muujiyeen aragtidooda mucaaradnimo ee xambaarsan mas’uuliyad qaran iyo u taagnaansho danta shacabka. Wuxuu si gaar ah u bogaadiyay sida ay u difaacayaan mabda’a kala dambeynta, la xisaabtanka, iyo ilaalinta dastuurka.
Sidoo kale, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa kula dardaarmay Xildhibaanada in ay sii xoojiyaan doorkooda sharci-dejin, kormeer iyo matalaad ummadeed, islamarkaana ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala qeybin iyo niyad jab bulsho.
Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid muujinaya xiriir dhow oo ka dhexeeya siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamul-goboleedyada, gaar ahaan Jubbaland, taasoo qayb ka ah kor u qaadista wadahadallada iyo fekerka siyaasadeed ee dalka.
Waxaa kulanka ka dhex muuqday xildhibaano si weyn u taageersan hoggaanka Axmed Madoobe, kuwaasoo horey uga tirsanaa mucaaradka dowladda Federaalka, una ololeeya nidaam dowladnimo oo furan, isla xisaabtan leh, iyo wada-tashi qaran.
