Xiisad Siyaasadeed oo Ka Dhalatay Qabsashada Xarunta Lama-Galaay ee Baladweyne

0
96
Screenshot

Baladweyne, Hiiraan – Xiisad dagaal ayaa cirka isku shareertay magaalada Baladweyne kadib markii uu xarunta maamulka ee Lama-Galaay si lama filaan ah ula wareegay guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cabdifataax Xasan Afrax.

Wararka laga helayo magaalada ayaa sheegaya in ciidamo taabacsan Cabdifataax ay subaxnimadii maanta gudaha u galeen xarunta, iyaga oo aan la kulmin wax iska caabin ah oo muuqata. Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo ay horey u jireen khilaafaad siyaasadeed oo u dhexeeyay hoggaanka gobolka iyo dowladda federaalka.

Ilaa iyo hadda lama soo wariyay wax khasaare ah oo naf ama maalba leh, balse xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana ciidamada ammaanka gobolka la geliyay heegan buuxa. Odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiin heer federaal ah ayaa la sheegayaa inay ku howlan yihiin sidii xaaladda loo dejin lahaa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya weli kama aysan hadlin dhacdadan, hase yeeshee khubarada arrimaha siyaasadda ayaa ka digaya in xiisaddan ay caqabad ku noqoto dadaallada lagu xasilinayo gobolka Hiiraan oo muddooyinkii dambe la daalaa dhacayay dagaallo iyo khilaafaad siyaasadeed.

RNN Somali TV | Qeybta Falanqaynta Siyaasadda

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here