“Waxaan Doortay Inaan Baxo, Sababtoo Ah Joogistu Waa Geeri Tartiib Ah”

0
52

Maanta waxaan isu diyaarinayaa safar laga yaabo inuu nolosheyda si buuxda u beddelo, ama ay tahay inuu dhammaad u noqdo. Qoraalkan waxaan u dirayaa in uu noqdo macsalaamo, balse sidoo kale sharaxaad ka bixinaya sababta aan go’aankan adag u qaatay. Waan ogahay in dad badan aysan fahmi doonin, qaarkoodna i cambaareyn doonaan. Laakiin waxaan ka hadlayaa meel aad u qoto dheer oo qalbigayga ka mid ah.

Waan ka tagayaa dalkaan, ma ahan sababtoo ah waan rabaa, balse waa sababtoo ah ikhtiyaar kale iima banaana. Waxaan ku noolahay dhul riyooyinkii lagu aasay. Dhul ay rajadii ku burburtay cadaadis dagaal, saboolnimo, iyo dayacnimo. Maalin kasta waxaan toosaa anigoo wajahaya isla rafaadkii: shaqo la’aan, nabad la’aan, cadaalad la’aan, iyo fursad la’aan. Waddooyinka waxaa ka buuxa ballanqaadyo been ah iyo mustaqbalo la dayacay. Dadku waxay u socdaan sida hoonka, noolaanaya balse aan nolol lahayn.

Waxaan arkay dhalinyaro badan oo hibado leh iyo rajooyin ku suntan, oo aamusnaan ku dhamaanaya. Waxaan arkay hooyooyin ooyaya maadaama caruurtoodu gaajo la ildaran yihiin. Waxaan aasay asxaab, qaar xabbad lagu dilay, qaarna rajo la’aan ku dumay. Waxaan sugayay isbedel, balse isbedel ma imaanin. Tani nolol ma aha, waa badbaado keliya—taasna way adkaaneysaa maalinba maalinta ka dambeysa.

Sidaas darteed, waxaan go’aansaday inaan baxo. Inaan tahriibo. Inaan qaatay halista nolosheyda ku kici karta. Waan ogahay waxa i sugi kara: in la i xiro, la i jirdilo, la i dhaco, la i iibiyo. Waxaa dhici karta inaan ku dhinto lamadagaanka ama aan ku hafto badda. Waxaa dhici karta inaanan weligay gaarin halkii aan ku haminayay. Laakiin ma sii joogi karo anigoo sugaya mucjiso aan laga yaabin inay waligeed timaado.

Dadku waxay is weydiin doonaan: “Maxaad u tagaysaa haddii uu safarku sidaa khatarta u yahay?” Jawaabtayduna waxay tahay: “Maxaa igu haray?” Sababtoo ah joogista waxay la macno tahay inaan si tartiib ah u dhimanayo anigoo waligey noolaanin. Waxaan doorbidayaa inaan halis u galo nolol xor ah halkii aan ku jiri lahaa quus iyo aamusanasho qadhaadh.

Ma raadinayo nolol qumman. Waan ogahay in noloshu adagtahay meel kasta. Laakiin waxaan ku riyoodaa meel aan ka shaqeyn karo, aan si xor ah ugu socon karo, codkeygana la maqli karo. Meel aan wax ka dhisan karo, in kastoo uu yar yahay, haddana aniga ii gaar ah. Meel aan bani’aadam ku noqon karo anigoo sharaf leh.

Ma eedeynayo dadkeyga. Annaga waxaan nahay dad dhibban, nidaam jaban ku hoos nool, madax na arka balse ka jeedsada baahideena. Caalamkana waa nagu illoobay. Waxaan qaylinay, balse codkeena lama maqal. Sidaas darteed mid mid baan uga baxeynaa, anagoo rajeynayna in dunida dibadda ay nagu siiso waxa dalkayagu ku guuldarreystay.

Haddii aan badbaado, waligay ma iloobi doono meesha aan ka imid. Waddankeyga qalbigeyga ayuu ka sii ahaan doonaa, waxaanan kaalin ka qaadan doonaa sidii aan u caawin lahaa. Laakiin haddii aanan gaarin—haddii badda ay liqdo, ama ilaaliyaasha xuduudaha ay i joojiyaan anigoo aan neefsan karin—farriintan ha noqoto codkeyga.

U sheeg dadka sababta aan u baxay. U sheeg in aanan raadinaynin maal, ee aan raadinayay nolol. U sheeg inaan ka daalay riyoon la’aan, rajo la’aan, iyo mustaqbal la’aan. U sheeg inaan jeclaa dalkayga, balse uu isagu iga jeestay.

Kuwa aan jeclahay, iga raalli ahaada inaan idiin ka tago. Waa qaybta ugu xanuunka badan. Wajiyadiina waan wadaa, ducadiina, xusuustiina. Waxaan la baxay cabsi, haa—laakiin sidoo kale geesinimo. Waayo marka wax walba kaa soo horjeedaan, haddana rajo yar ayaa weli awood kuu siin karta.

Haddii aad i xasuusataan, iigu xusuusa inaan isku dayay.

Qalinkii: Ayub Sirad Mohamud

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here