Wararkii ugu dambeeyay wiil iyo adeerkiisa oo maleeshiyaad ka afduubteen Gaalkacyo

0
44

Wararka inaga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa sheegaya in maleeshiyaad aan haybtooda la garanayn ay xalay magaalada Gaalkacyo,  ka afduubteen  wiil iyo adeerkiis oo dhalinyaro ah, kuwaas oo kasoo jeeda waqooyiga Gaalkacyo ee Puntland.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in maleeshiyaadka afduubka geystay ay ula baxsadeen dhanka koonfurta Galmudug.

illaa hadda lama oga cidda ka dambeysa afduubkan, halka saxda ah ee laga geeyey dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo iyo sababta ka dambeys.

Sidoo kale dhacdadan ayaa walaac xooggan ku abuurtay dadka Reer ku nool Gaalkacyo, kuwaasi oo is weydiiaya sababta keentay in wiil iyo adeerkiisa la afduubto.

Dhinaca kale, laamaha amniga ayaa wada dadaallo xooggan oo lagu baadi-goobayo afduubayaasha iyo sidii loo soo badbaadin lahaa dadka la qafaashay.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here