WAR DEGDEG AH – Muqdisho: Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Habeen Dhameystay Samatabixinta Dadkii Roobka Saameeyay

0
166

Muqdisho, May 10, 2025 – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, General Asad Diyaano, ayaa muujiyay dadaal muuqda kadib markii uu xalay oo dhan la shaqeynayay ciidankiisa si loo badbaadiyo shacabka ay saameeyeen roobabkii xooganaa ee ka da’ay magaalada Muqdisho.

Wararka ka imanaya gudaha magaalada ayaa sheegaya in Taliyaha uusan seexan habeenkii oo dhan, isagoo si toos ah ula socday howlaha samatabixinta. Ciidamada Booliiska oo uu hoggaaminayay ayaa si geesinimo leh uga qeyb qaatay daadgureynta dadkii ku go’doomay guryahooda iyo meelaha biyuhu fadhiyeen.

Sidoo kale, gurmadka waxaa qeyb muhiim ah ka qaatay maamulka Gobolka Banaadir oo uu wakiil ka ahaa Guddoomiyaha Amniga iyo Siyaasadda Gobolka, Maxamed Yabooh. Maamulka iyo ciidamada ayaa si wadajir ah uga howlgalay xaafado kala duwan oo ay biyuhu saameeyeen.

Ciidanka Booliiska iyo maamulka gobolka ayaa si weyn loogu amaanay u gurmashada dadkooda xilli ay xaaladdu ahayd mid adag, taasoo muujisay doorka ay hay’adaha amniga iyo maamulka deegaanka ku leeyihiin caawinta shacabka marka ay musiibooyinka dhacaan.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socotaa xaaladda roobabka iyo gurmadka socda, waxaana lagu wadaa in la sii xoojiyo taageerada dadka ay dhibaatadu saameysay.

La soco wararkeena dambe wixii kusoo kordha.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here