War Degdeg ah: 13 Xubnood oo Ka Tirsan Al-Shabaab oo Lagu Dilay Howlgal Ka Dhacay Buurta Cadayga, Sh/Dhexe

0
68

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibada caalamka ayaa qaaday howlgal qorsheysan oo ka dhacay Buurta Cadayga ee ku taalla deegaanka Ceel Baraf, gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa lagu beegsaday goob gaar ah oo ay xubno ka tirsan Al-Shabaab isku urursanayeen, halkaas oo ay ka wadeen abaabul weerarro argagixiso ah. Sida saraakiishu sheegeen, 13 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa lagu dilay halkaas, iyadoo tiro kale ay ku dhaawacmeen.

Taliska ciidamada ayaa sheegay in howlgalka uu qeyb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu baacsanayo Khawaarijta, ayna sii wadi doonaan howlgallada noocan oo kale ah ilaa laga suuliyo cadowga nabadda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here