Ciidanka Nabad-sugidda Soomaaliyeed oo ay garab siinayaan ciidamada deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay deegaanno hoostaga degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ku dhuumalaysanayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta.
Howlgalkaan ayaa lagu qaaday goobaha ay Khawaarijtu isku aruursanayeen kadib markii ciidamada ay heleen xog sirdoon oo tilmaamaysay in kooxdaasi ay damacsanaayeen weerarro dhagar ah oo ay ku beegsanayaan shacabka ku nool deegaannada nabadda ah ee horay looga xoreeyey.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadkaasi ay si gaar ah isugu uruursanayeen Tuulada Mabaax oo ka tirsan gobolka Hiiraan iyo deegaanka Tawakal ee ku yaalla gobolka Shabeellaha Dhexe.
Saraakiisha Nabad-sugidda ee hoggaaminaysay howlgalka ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in la dilay tiro ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta, sidoo kalena la burburiyay fariisimo dhowr ah oo ay ku sugnaayeen.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ay wadaan si loo ciribtiro khataraha amni ee ay wadaan kooxaha Khawaarijta, isla markaana loogu sugo nabad waarta deegaannada laga xoreeyey.
