“Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Jubbaland, xilli magaalada Kismaayo ay martigelin doonto toddobaadka soo socda shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya.”

0
22

Kismaayo – Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), iyagoo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ay qabanayaan mucaaradka, kaas oo toddobaadka soo socda lagu wado in lagu qabto magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray ajandaha shirka, oo ay ugu muhiimsan yihiin arrimaha la xiriira doorashooyinka dalka iyo diidmada muddo-kororsi uu sameeyo Madaxweynaha Soomaaliya. Mucaaradka ayaa sheegaya in muddo-kororsigu uu halis ku yahay hannaanka dimuqraadiyadda, isla markaana uu caqabad ku noqon karo xasilloonida siyaasadeed ee dalka.

Wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay in arrimaha doorashooyinka lagu saleeyo heshiis wadatashi ah, loogana fogaado tallaabooyin hal dhinac ah. Waxay sidoo kale ku baaqeen in la helo wadahadal loo dhan yahay oo u dhexeeya Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo dhinacyada mucaaradka.

Dhankiisa, Madaxweynaha Jubbaland ayaa muujiyay mowqifkiisa ku aaddan baahida loo qabo in la ilaaliyo dastuurka iyo heshiisyadii hore ee doorashooyinka, isaga oo xusay in shirka Kismaayo uu yahay fursad muhiim ah oo lagu muujin karo aragti mideysan oo ku wajahan mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Shirka Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, oo ay qabanayaan mucaaradka, ayaa la filayaa inuu soo saaro go’aanno iyo talooyin ku saabsan habraaca doorashooyinka, ka hortagga muddo-kororsi, iyo xoojinta wadashaqeynta siyaasadeed ee dalka.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here