Wafdi ka Socda Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Gaaray Magaalada Jowhar

0
87

Jowhar, Soomaaliya – Wafdi ballaaran oo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaaha ayaa maanta soo gaaray magaalada Jowhar, oo ah xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabelle. Wafdigan waxaa hoggaaminaya Commissioner Cabdi Addow, waxaana uu safarkoodu la xiriiraa dardargelinta hawlaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha.

Wafdiga ayaa ka kooban xubno Commissionero ah, macallimiin tababareyaal ah, iyo khuburo ku takhasusay hababka xog-ururinta GIS. Ujeeddada safarkoodu waa in ay bixiyaan tababar farsamo iyo wacyigelin ku aaddan diiwaangelinta codbixiyeyaasha, iyadoo la barayo shaqaalaha doorashada sida loo maamulo qalabka, loona qorsheeyo isku xirka xarumaha diiwaangelinta.

Tababarradan ayaa la filayaa in ay socon doonaan muddo maalmo ah, waxaana lagu qaban doonaa gudaha magaalada Jowhar. Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in la hubiyo diyaar garowga deegaanka iyo awoodda maamulka Hirshabelle ee hirgelinta diiwaangelin lagu kalsoonaan karo.

Guddiga Doorashooyinka Qaranka ayaa horey u shaaciyay in sanadka 2025 uu yahay mid muhiim u ah dhameystirka hannaanka dimuqraadiyadeed ee dalka, gaar ahaan hirgelinta doorasho qof iyo cod ah. Safarkan ayaa ah qayb ka mid ah dadaallada joogtada ah ee lagu doonayo in lagu xaqiijiyo in dhammaan maamul-goboleedyada dalka ay si buuxda uga qeyb qaataan hannaankaas.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here