TURKIGA OO U BARYAY WAA CUSUB: URURKII PKK OO SI RASMI AH U HUBKA DHIGAY

0
51

Waxaa si weyn loogu dabbaaldegayaa guul taariikhi ah oo ay gaartay Dowladda Turkiga kadib dagaal adag oo 47 sano qaatay. Maanta oo ah Jimce, 11ka July 2025, ayaa ururkii fallaagada ahaa ee PKK (Kurdistan Workers’ Party) si rasmi ah u shaaciyey inuu laalay jiritaankiisa isla markaana hubka dhigay, taasoo calaamad u ah dhammaadka colaaddii muddada dheer ka taagneyd gudaha Turkiga iyo Waqooyiga Ciraaq.

➀ π“π€π€π‘πˆπˆπŠπ‡πƒπ€ πŒπ”πƒπƒπ€ 𝐃𝐇𝐄𝐄𝐑:

PKK waxaa la aasaasay 1978-kii, iyadoo dagaalkii rasmiga ahaa ee hubaysan uu bilowday 1984-kii. Kooxdan oo ujeedadoodu ahayd gooni-isu-taag Kurdiyeed, waxay fuliyeen weerarro badan oo ay ku laayeen shacab iyo askar, halka Dowladda Turkigana ay howlgal militariyo, sirdoon iyo siyaasadeed ku bixisay lacag dhan $2 Trilyan oo doollar muddo ku siman 47 sano.

Sannadkii 1999-kii, waxaa gacanta lagu dhigay aasaasaha ururka, Abdullah Γ–calan, oo ay Dowladda Turkigu ku qabatay magaalada Nairobi, iyada oo taageero ka heshay sirdoonka Mareykanka. Tan iyo markaas, Ocalan wuxuu xabsi ugu jiray jasiirad gooni ah, isagoo si weyn u saameynayay siyaasadda kurdiyiinta ee gobolka.

➀ 𝐇𝐔𝐁 πƒπ‡πˆπ†πˆπ’π“πˆπˆ π‘π€π’πŒπˆ 𝐀𝐇:

Dabayaaqadii sanadkii hore, Turkiga waxaa ka billowday olole cusub oo loogu magac daray β€œTurkiga oo argagixiso la’aan ah”. Waxaa si buuxda uga qeybqaatay xisbiyada siyaasadda oo ay ku jiraan kuwa kurdiyiinta matala. Dadaalladan oo ay hormuud ka ahaayeen dowladda Madaxweyne Erdoğan iyo hay’adaha amniga, ayaa dhalay natiijo lama filaan ah.

Bishii May 2025, Ururka PKK ayaa sheegay in ay laaleen ururkii, waxayna ballan qaadeen in ay hubka dhigayaan. Sida uu sheegay Γ–calan oo muuqaal kasoo diray xabsiga, Jimcaha 11ka July ayaa noqon doona maalin rasmi ah oo hubka la dhigo.

Maanta oo taariikhdu tahay 11ka July, Waqooyiga Ciraaq waxaa si rasmi ah uga bilaabatay hub dhigista xubnihii PKK, iyadoo munaasabad weyn ay ka dhacday halkaasi. Waxaa la arkayay xubnihii ururka oo si nabad ah u dhigaya hubkooda, taasoo calaamad u ah bilowga waayaha cusub ee Turkiga.

➀ πŒπ€π—π€π€ 𝐋𝐀 π…πˆπ‹π€π˜π€?

Indhaha ayaa hadda ku jeeda Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, oo la filayo in uu jeediyo khudbad taariikhi ah. Dad badan waxay is weydiinayaan:

β€’ Maxay noqon doontaa tallaabada xigta ee Dowladda Turkiga?

β€’ Ma jiri doontaa barnaamij is-dhaafsi ah (Reintegration) oo lagu daro xubnihii ururka bulshada?

β€’ Sidee looga shaqeyn doonaa isu-dhawaanshaha siyaasadeed iyo mid qowmiyadeed?

➀ 𝐆𝐀𝐁𝐀𝐆𝐀𝐁𝐀:

Turkiga waxaa u baryay waqti cusub, waxaana laga baxay 47 sano oo colaad, khasaaro, burbur iyo kala shaki qaranimo. Inkastoo wali su’aalo badan ay taagan yihiin, haddana maanta waxaa loo aqoonsan karaa maalinta nabadda ee rasmiga ah ee Turkiga.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here