Taliye Asad Diyaano oo la kulmay khubaro ka socotay FBI-da Mareykanka

0
100

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay khubaro ka socotay FBI-da Mareykanka.

Taliye Asad ayaa Saraakiisha Khubarada ah kala hadlay sidii ay kaalin uga qaadan lahaayeen tababarada Saraakiisha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo xoojinta dib u habeynta ciidanka.

Saraakiisha FBI-da ka socotay ayaa bogaadisay dardargelinta, horumarinta iyo dib u casriyeynta hanaanka shaqo ee Ciidanka Booliiska.

FBI-da Mareykanka ayaa qeyb ka ah hay’adaha Booliiska Soomaaliya ka taageera la dagaalanka argagixisada.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here