Taliyaha NISA oo kulan lagu dardar gelinayo howlgalka AS kawada degmada Moqokori

0
150

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa degmada Moqokori kulan looga hadlayay dardar gelinta howlgalka ka dhan Al-shabaab kula qaatay Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan.

Odayaasha dhaqanka ayaa Agaasimaha NISA, uga mahad celiyay doorkiisa ku aadan abaabulka iyo garab istaaga ciidanka deegaanka ee  dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.

Sidoo kale Odayaasha ayaa u mahad celiyay dowladda federaalka daryeelka Caafimaad ee ay u fidineyso  ciidanka deegaanka ee ku dhaawacmay dagaalka.

Geesta  kale Agaasimaha NISA, ayaa ku booriyay odayaasha dhaqanka sida doorka muuqda uga qaataan howlgallada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan. waxa uuna dhankiisa u ballan qaaday  in dowladda federaalka ay ka heli doonaan garab istaag dhan walbo ah.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here