Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbalooshe) ayaa degmada Moqokori kulan looga hadlayay dardar gelinta howlgalka ka dhan Al-shabaab kula qaatay Odayaasha dhaqanka ee Hiiraan.
Odayaasha dhaqanka ayaa Agaasimaha NISA, uga mahad celiyay doorkiisa ku aadan abaabulka iyo garab istaaga ciidanka deegaanka ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.
Sidoo kale Odayaasha ayaa u mahad celiyay dowladda federaalka daryeelka Caafimaad ee ay u fidineyso ciidanka deegaanka ee ku dhaawacmay dagaalka.
Geesta kale Agaasimaha NISA, ayaa ku booriyay odayaasha dhaqanka sida doorka muuqda uga qaataan howlgallada ka dhan ah Al-shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan. waxa uuna dhankiisa u ballan qaaday in dowladda federaalka ay ka heli doonaan garab istaag dhan walbo ah.

