Taliyaha ciidanka dhulka oo Moqokori u tagay dagaalka kooxda AS

0
79

Wafdi Saraakiil ah oo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaas oo Ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ay dagaal adag kula jiraan kooxda Al-shabaab.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye iyo saraakiil ciidan ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyey Moqokori.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Generaal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa Hiiraan u tegay dardargelinta dagaalka Al-shabaab  ee ka socda soohdinta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here