Taliyaha Booliska Soomaaliya oo kulan xasaasi ah la yeeshay safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

0
80

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa maanta la kulmay Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Danjire Mike Nithavrianakis.

Kulanka  Taliyaha waxaa ku  wehlinayay  Saraakiil Taliska Booliska katirsan  waxaana diirada lagu saaray  taageerada Dawladda Ingiriiska siiso  dowlada gaar ahaan ciidanka Booliska , sare u qaadista xoojinta iskaashiga Amniga iyo ladagaalanka kooxaha argagixisada.

Sidoo kale inta uu kulanka socday ayaa safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, waxa uu sheegay in dowladiisa ay sii wadi doonto taageerada kala duwan ay siiso dowladda Soomaaliya, ayna xoojin doonaan xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood.

Geesta kale Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya Asad Diyaano ayaa kaga mahad celiyay safiirka Ingiriirska ee Somaaliya Danjire Mike, sida ay u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ugana caawinayaan amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here