Taliye Asad Diyaano oo kulan xasaasi ah la qaatay Taliyaha ciidanka Qaramada Midoobay

0
72

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mohammad Jamil Yousef oo ah Taliyaha Boliiska Ciidamada Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya UNTMIS .

Kullan gaar ah oo labada Taliye wada qaateen ayaa looga hadlay u diyaar garowga wakhtiga kala guurka iyo kaalinta kaga aadan Ciidanka Boliiska, xoojinta iskaashiga iyo wada shaqaynta Ciidamada Boliiska Soomaaliya iyo kuwa Qaramada Midoobay,

Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi waxa uu sidoo kale Taliyaha UNTMIS la wadaagay wax kabadalka uu ku sameeyey mudada uu xafiiska joogay qorshaha istaraatiijiyadda Boliiska oo saldhig looga dhigay isla xisaabtan ,dhisidda kalsoonida shaqada Ciidanka, casriyeynta kaabayaasha amniga iyo farsamada ciidanka si kor loogu qaado xirfadooda iyo hufnaantooda.

Taliye Mohammad Jamil Yusuf ayaa soo dhaweeyey qorshaha cusub waxaana uu balanqaaday in dhankooda xoojinayaan taageerada ay Boliiska siiyaan, waxaana uu Taliyaha Ciidanka Boliska Soomaaliyeed gudoonsiiyey bilad sharaf uu ku mutaystay hagaajinta iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda mudada kooban ee uu Taliyuhu xafiiska joogay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here