Algiers, Aljeeriya – 5 May 2025
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Algiers, ee caasimadda dalka Aljeeriya, kula yeeshay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Aljeeriya, Mudane Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Ururka Baarlamaannada Carabta.
Kulankan ayaa ka dhacay xilli uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku sugan yahay dalka Aljeeriya si uu uga qeybgalo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Wadamada Carabta.
Guddoomiye Boughali ayaa si diirran u soo dhaweeyay wafdiga ka socda Soomaaliya, isagoo uga mahadceliyay ka qeybgalka shirka iyo dadaalka ay Soomaaliya ku bixinayso arrimaha mideynta Carabta. Wuxuu muujiyay sida ay muhiim u tahay in baarlamaannada labada dal ay yeeshaan wada-shaqeyn joogto ah, laguna saleynayo danaha guud iyo iskaashiga waxtarka leh.
Dhinaciisa, Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Aljeeriya martigelinta shirka iyo soo dhoweynta diirran. Wuxuu tilmaamay in xiriirka labada dal uu leeyahay taariikh dheer oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi, loona baahan yahay in si gaar ah loo xoojiyo wadashaqeynta baarlamaanada labada dhinac.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ammaanay kaalinta Aljeeriya ee garab istaagga arrimaha Carabta iyo sida ay mar walba ugu taagan tahay nabadda, horumarka, iyo iskaashiga gobolka. Wuxuu xusay in is-dhaafsiga aqoonta sharci-dejinta, waayo-aragnimada, iyo tababarrada uu fure u noqon karo dhismaha baarlamaan tayo leh oo matala shacabka Soomaaliyeed.
Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad rasmi ah oo ku saleysan in la xoojiyo iskaashiga labada baarlamaan, lana dardargeliyo wada-hawlgalka labada dhinac ee ku aaddan arrimaha sharci-dejinta, xasilloonida gobolka, iyo horumarka dowladnimada.
