Sanbaloolshe oo si rasmi ah ugu soo laabtay Baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya

0
43

Waxaa maanta lagu qabtay xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle doorashada dib-u-buuxinta kursiga #HOP058 ee ka bannaanaa Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya.

Doorashadan oo lagu qabtay jawi deggan oo nabdoon ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka, wakiillo ka socda bulshada rayidka ah, iyo ergada beesha iska leh kursigaasi. Musharrax Ismaaciil Warsame Faarax ayaa si rasmi ah uga tanaasulay tartanka, taas oo fursad siisay in musharrax Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu si toos ah u tartamo.

Ergada doorashada oo ka koobnayd 101 xubnood ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyay musharraxa, iyadoo 98 cod ay u codeeyeen Sanbaloolshe, halka 3 ergay ay ka aamuseen.

Natiijada rasmiga ah waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed, oo metelayay Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), isagoo sidoo kale halkaas ku guddoonsiiyay Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo.

Doorashadan ayaa muujisay hannaan xasiloon oo ay doorashooyinku uga qabsoomeen gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, waxaana ay ka mid tahay tallaabooyinka lagu dhameystirayo xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here