Muqdisho – May 13, 2025
Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa si kulul uga hadlay shirweynihii xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) ee xalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, kaas oo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud loogu doortay guddoomiyaha iyo musharraxa rasmiga ah ee xisbiga.
Deni ayaa hadalkiisa si gaar ah ugu dhaliilay hanaanka siyaasadeed ee xisbiga, isagoo sheegay in waxa xalay dhacay ay muujinayaan in xaaladda siyaasadeed ee dalka meel daran marayso. Isagoo si aan toos ahayn u tilmaamaya Madaxweyne Xasan Sheekh, Deni wuxuu yiri:
“Wixii xalay ka dhacay Muqdisho, marka eegto, xaalku wuxuu marayaa, islaanta indho la’aan hadaa ku ogeydeen dad cunimo ayeey ku darsatay.”
Hadalkaasi ayaa loo fasirtay inuu yahay dhaliil adag oo ku wajahan qaabka loo wajahay aasaaska iyo ujeeddooyinka xisbiga JSP, oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya ee Xasan Sheekh Maxamuud.
Erayada Deni ayaa si weyn looga hadal hayaa baraha bulshada, iyadoo muujinaya khilaafka siyaasadeed ee sii xoogeysanaya xilli uu dalka isu diyaarinayo doorashooyinka 2026.
