Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo lala beegsaday ciidamada amniga Puntland

0
83

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax  geystay khasaaro  isugu jira dhimasho iyo dhaawac  oo lala beegsaday  ciidamo katirsan Puntland.

Qaraxa lala eegtay ciidanka Puntland, ayaa si gaar ah uga dhacay nawaaxiga tuulada Tasjiic ee gobolka Bari, waxaana la sheegay in qaraxa  ay ku geeriyodeen ilaa iyo lix askari, halka tiro intaas ka badana ay ku dhaawacmeen.

Wararka ayaaa waxa ay intaas ku darayaan in qaraxa uu ahaa miinada dhulka lagu aaso, waxaana la tuhunsan yahay in kooxda Daacish, ay ka dambeyso maadama maalmahan ay la kulantay guluf dagaal oo looga saarayo kooxda deegaannada ay kaga sugan yihiin  Puntland.

Qaraxa ayaa ku soo adaya, iyada labo maalin ka hor ay mas’uuliyiin katirsan Puntland ay tageen deegaanka Tasjiic, si ay bulshada ugu soo aruuriyaan taageero Xoolo oo loogu talagalay dhiirigelinta ciidanka amniga Puntland oo dagaal xooggan kula jira kooxda Daacish.

Sikastaba, qaraxan lala beegsaday ciidanka amniga Puntland ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa, tan iyo markii ay bilaabeen howlgalka ka dhan ah kooxda Daacish, ee looga sifeynayo Puntland.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here