Qarax culus oo ka dhacay Degmada Kaxda, goob ay dhalinyarada Tiktok-ka ku muuqaal duubtaan

0
103

Qarax aad u culus ayaa galabta ka dhacay goob caan ah oo ay dhalinyarada isticmaasha Tiktok ku duubtaan muuqaallada, taas oo ku taalla Degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho. Tani waa markii labaad oo qarax uu ka dhaco isla goobtan muddo kooban gudaheed.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in afar qof oo isugu jira labo gabdhood iyo labo wiil ay ku dhaawacmeen, iyadoo qaarkood lugaha laga gooyay sababo la xiriira culayska qaraxa.

Sidoo kale, hal qof oo kale ayaa looga shakisan yahay inuu ku dhintay isla goobta qaraxa, inkastoo weli aan si rasmi ah loo xaqiijin.

Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta, waxaana socda baaritaanno la xiriira cidda ka dambeysay qaraxa.

RNN Somali TV ayaa idinla wadaagi doonta wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha dhacdadan.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here