MW Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Ciraaq

0
59

Sid ay wararka sheegayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa lagu wadaa inuu u safro magaalada Baqdaad ee caasimada dalka Ciraaq, halkaasi uu ka furmi doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta.

Shirkan ayaa sida uu qorshihiisu yahay waxa uu furmi doonaa 17, May  oo ku aadan maalinta sabtiga, waxaana la filaya inay kasoo qeyb galaan dhammaan madaxda dalalka Jaamacadda Carabta, oo la filayo inay ka wada hadlaan arrimo kala duwan oo qeyb ka ah xaaladda Gaza.

Geesta kale waxaa magaalada Baqdaad, ku sugan wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali, isaga oo halkaasi u tagay ka qeyb galka shirka heer wasiir ee Jaamacadda Carabta, kaasi oo loogu gogol xaarayo shir madaxdeedka  Carbeed.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh, ayaa khudbad uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya ka jeedin doono shir madaxeedka Jaamacadda Carabta meertadiisa 34-aad.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here