MW Eritrea oo cadeeyay heshiiskii saddex geesoodka uu Dalkiisa la saxiixday Masar & Soomaaliya uusan duulan ku aheyn Itoobiya

0
121

Madaxweynaha Dalka Eritrea Isaias Afwerki, oo wareysi gaar ah siiyay warbaahinta gudaha dalkiisa, ayaa ka warbixiyay heshiiska saddex geesoodka ee dhex-marayay Soomaaliya Masar iyo Dalkiisa Eritrea.

Madaxweyne Afwerki, ayaa tilmaamay in heshiiska saddex geesoodka laga been abuutay,isla markaana warbaahinta qaar ay u tarjumeen inuu Dalkiisa uu duulan ku yahay dalka Itoobiya.

Madaxweyne Isaias, ayaa sheegay in heshiiska ay dowladiisa la gashay Dalalka Soomaaliya iyo Masar, uu ahaa mid ay saddexda dalka uga wadashaqeynayaan xasiloonida gobolka balse arrinta sida qaldan loo micneeyay ay tahay in Masar ay qeyb ka tahay heshiiska,isla markaana Masar ay xurguf la xiriirta Wabiga Niil ay kala dhaxeyso Itoobiya, iyo Soomaaliya iyo Itoobiya dhankooda uu ka dhaxeeyo khilaaf salka ku haya heshiiskii ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland.

Sidoo kale marka laisku soo duubo arrimahan oo dhan, ayaa waxa uu tilmaamay in ay jiraan koox duullaan shisheeye ah inay baraha bulshada ay ku faafiyeen in heshiiska saddex geesoodka uu duulaan ku yahay Dowladda Itoobiya.

Ugu dameyntii Madaxweynaha Dalka Eritrea, Isaias Afwerki, ayaa ku celiyay in dowladiisa ay si dhab ah uga go,an tahay ilaalinta madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya lana ixtiraamo qaranimada ummada Soomaaliyeed.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here