Muqdisho oo laga xusay maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha & Mas’uul ka qeyb galay

0
79

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaam Cabdi Cali Dhaay ayaa maanta ka qeyb galay xuska munaasabadda maalinta caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo sanad guuradii 76-aad ee baaqa caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Hal ku dhegga sanadkan ayaa ahaa “Xuquuqdeena, Mustaqbalkeena, Wakhti Xaadirkan” taasi oo diiradda lagu saarayo ahmiyadda ay xuquuqda aadanaha u leedahay nolol maalmeedkeena, si xal loogu helo caqabadaha ku horgudban xuquuqda aadanaha iyo baahida loo qabo ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda bulshooyinka.

Ra’iisal Wasaare kuxigeenka Labaad Cabdisalam Cabdi Cali-Dhaay ayaa ka hadlay dadaallada dowladda ee ku aaddan ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii loo xoojin lahaa is-dhexgalka caalamiga ah ee arrimahan la xiriira.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here