Mudanayaasha Golaha Shacabka oo Akhrinta Koowaad Marsiiyay Heshiiskii Dhismaha Ururka Horumarinta IGAD

0
25

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa yeeshay kulankii 11-aad ee kalfadhiga lixaad, waxaana lagu qabtay xarunta Golaha Shacabka. Kulanka waxaa shir guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe).

Kulanka oo ku furmay kooram dhan 146 Xildhibaan, ayaa mudanayaashu akhrinta koowaad marsiiyeen heshiiskii lagu dhisay Urur Goboleedka Horumarinta IGAD. Warbixinta heshiiska waxaa Xildhibaanada u akhriyay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Balcad.

Markii akhrinta la dhameeyay, Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa su’aalo ka weydiiyay mas’uuliyiinta Wasaaradda qodobbada ku xusan heshiiska iyo muhiimadda ka mid ahaanshaha Soomaaliya ee Ururka Horumarinta IGAD. Wasiiru Dowlaha ayaa ka jawaabay su’aalahaasi, isagoo sharaxay faa’iidooyinka ay Soomaaliya ka heli karto.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa faray Guddiga Arrimaha Dibadda ee Golaha in ay diyaariyaan akhrinta labaad ee heshiiskan, si markale golaha looga horgeeyo loogana doodo.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here