Mas’uuliyiin ka socda dowladda dhexe oo gaaray Garbahaareey iyo Guddoomiyaha oo farriin adag diray

0
121

Wararka inaga soo gaaray Magaalada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo, ayaa sheegaya in in halkaasi ay gareen masuuliyiinta katirsan Dowladda Soomaaliya iyo Gudoomiyaha Gedo ee Maamulka Jubbaland, kuwaas oo maalmihii u dambeeyey loo diidanaa inay Magaaladaasi ka tagaan.

Dawladda Federaalka, ayaa ku guuleystay in ay garoonka Garbahaaray qabsato, iyadoo ka dhigan in 24 saac gudahood ay labo deegaan ciidamada Dowadda Federaalka Soomaaliya at ka qabsadeen Jubbaland, iyadoo xaaladdu aad iskugu bedelayso jawi dagaal.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Cabdullaahi Shimbir, ayaa ku amray guddoomiyaasha degmooyinka Gobolka Gedo, in 48 saac, gudahood ay moowqifkooda ku cadeyaan cid ay raacsan yihii, waxa uu tilmaamay inaysan jirin meel dhaxo oo la istaago,isla markaana waxa uu carabka dhuftay in dhammaan ay asiga hoos-yimadaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sikastaba, xaaladda Jubbaland ayaa aad u kacsan iyada oo dowladda dhexe ay ciidamo badan geysan deegaanno ku yaalla gobolka jubada hoose, waxaana laga cabsi qaba in dagaalka uu ka dhaco Jubbaland.

 

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here