Golaha wasiiradda oo sharci darro ah ku tilmaamay doorashadii Jubbaland

0
81

Golaha wasiiradda ee Xukuumadda federaalka oo xalay kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho, ayaa waxa ay kaga hadleyn qodobo dhowr oo kamid ah doorashada maamulka Jubbaland.

Kulanka xalay ee golaha wasiiradda ayaa ansixiyey heshiisyo dhowr ah oo kala ah hindise sharciyeedka iskaashiga Garsoorka Caalamiga ah, heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar oo iska kaashanaya Arrimaha Beeraha, Axdiga Afrika ee Xuquuqda iyo Baraaraha Carruurta, iyo heshiis ku saabsan shaqo qorista shaqaalaha oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay Warbixinno kala duwan oo ku saabsan amniga dalka, iyo dib u xoreynta deegaannada ay ku suganyihiin kooxaha ‘AS’ iyo Daacish, iyadoo Goluhu uu meel-mariyey heshiiska wareejinta maxaabiista xukuman oo ay kala saxeexdeen Soomaaliya iyo Kuuriyada Koonfureed.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here