Mashruuc ku kacaya $29 milyan oo lagu wareejiyay Hay’adda Sodma + qoysaska ka faa’ideysanaya

0
62

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle oo ay wehliyaan ku xigeenka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna Iskuduwaha Gargaarka Bini’aadanimada George Conway iyo madaxa hay’adda USAID ee Soomaaliya ayaa Muqdisho uga qeybgalay daahfurka mashruuc ay fulinayso Hay’adda USAID .

Mashrucaan oo ay ku kacayso lacag dhan $29 Milyan ayaa waxaa ka faa’iideeysanaya 80,000 oo qoysas Soomaaliyeed ah, waxaana uu mashrucaan diiradda sarayaa hagaajinta isku xirnaanta hay’adaha sare u qaadista habka loo maareeyo musiibooyinka, iyo taageerada dadka nugul ee la daaladhacaya cunno yarida gaar ahaan kuwa ku nool deegaannada ay ka jiraan abaaraha iyo musiibooyinka kale ee dabiiciga ah.

Mashruucan wuxuu qeyb ka yahay dadaallada ay dowladdu ku xoojinayso ka hortagga iyo wax ka qabashada xaaladaha cunno yari ee ka dhasha masiibooyinka dabiiciga ah iyo kuwa bini’aadannimada ah.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here