Masar oo xaqiijisay in ciidankeeda uu ku biirayo howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

0
66

Magaalada Qaahira ee caasimada Dalka Masar, waxaa kulan ku yeeshay wasiirada arrimaha dibadda ee Soomaaliya iyo Masar, waxa ayna kulankooda diirada ku sareen xiriirka soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dalka, iyo sidii sare looga qaadi lahaa.

Wasiirka arrimaha dibada ee dalka Masar Badar Cabdilati, ayaa sheegay in Masar ay ka go,an tahay tageerida Soomaaliya, isla markaana ay sare u qaadeyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya sida dhaqaalaha iyo amniga.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Masar, ayaa sheegay inay ka go,an tahay inay ka qeyb-galaan howlgalka iyada oo ku saleyneysa codsiga dowladda Soomaaliya iyo soo dhaweynta golaha ammaanka ee midowga Afrika, ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Masar Badar Cabdilati.

Howlgalka xasilinta iyo taageerida Midowga Afirka ee loo yaqaan AUSSOM ayaa badali doona howlgalka ATMIS oo dhammaan doonaa sannadkan 2024.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha dibada ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa sheegay in bogaadinayo doorka muhiimka ah ee Masar ay ku leedahay taageeridda dadaallada dib-u-dhiska Soomaaliya iyo sida ay uga go’antahay ilaalinta madax-bannaanida, midnimada, iyo dhuleed ee Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale xaqiijiyay wasiir Fiqi, sida Soomaaliya uga go’antahay dhammaan heshiisyada ay la gashay Masar inay fulaan.

 

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here