Madaxweynihii Hore Farmaajo oo Ka Digay Kooxaysiga Siyaasadeed iyo Inuu Dalka Galo Xaalad Khatar ah

0
33

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa si adag uga digay khatarta ay leedahay in la doorbido kooxaysi siyaasadeed oo ku saleysan dano gaar ah, taas oo uu sheegay inay dalka gelin karto xaalad khatar ah oo dhaawacaysa midnimada iyo xasilloonida.

Farmaajo wuxuu si toos ah eedeyn ugu jeediyay Madaxweynaha hadda talada haya Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo ku eedeeyay inuu si ula kac ah u jabiyay Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan qodobbada 87aad, 50aad, 92aad iyo 65aad – kuwaas oo qeexaya waajibaadka Madaxweynaha ee ilaalinta dastuurka, doorka Madasha Wadatashiga Qaran, nidaamka federaalka iyo madaxbannaanida hoggaanka Baarlamaanka oo aan xubin ka noqon karin xisbi siyaasadeed.

Farmaajo wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh in uu fuliyo ballanqaadyadii kasoo baxay shirarkii Madasha Wadatashiga Qaran, oo uu dalkana ku hoggaamiyo wadatashi, midnimo iyo sharciyad, si looga gudbo xaaladda cakiran ee uu dalku ku sugan yahay.

Wuxuu si gaar ah ugu yeeray Madaxweynaha inuu ka laabto go’aannada hal dhinac ah ee uu qaaday oo khilaaf siyaasadeed dhaliyay, sida: burinta Dastuurka lagu doortay, magacaabista guddiyo doorasho oo aan loo dhammayn, iyo dib-u-dhiska nidaam hal xisbi ah oo horey loo diiday.

Farmaajo wuxuu sidoo kale cambaareeyay isticmaalka hantida Qaranka iyo kheyraadka dowladda ee loo adeegsanayo ololaha xisbi gaar ah, isagoo sheegay in ciidamada, warbaahinta dowladda iyo shaqaalaha rayidka ah si sharci-darro ah loogu adeegsanayo dano siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Farmaajo wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu dib u mido geliyo Dowlad-goboleedyada ka maqan shirarka Madasha Wadatashiga Qaran, isla markaana uu furo doorashooyin xor ah oo ka dhaca Dowlad-goboleedyada muddadu ka dhamaatay ee uu si toos ah u hortaagan yahay.

Madaxweynihii hore wuxuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa baaq ku wajahan in la soo celiyo hanaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, si dalka looga badbaadiyo khilaaf iyo burbur siyaasadeed oo hor leh.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here