Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wado Isbedelka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir

0
34
{"data":{},"exportType":"image_export","tiktok_developers_3p_anchor_params":"{"source_type":"vicut","client_key":"aw889s25wozf8s7e","capability_name":"retouch_edit_tool","picture_template_id":""}","source_type":"vicut","pictureId":"896AFB9C-7DA6-4CFB-9EE8-F63B8BA7AEB9","editType":"image_edit"}

Xog gaar ah oo ay heshay warbaahinta RNN Somali TV ayaa muujinaysa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu qorsheynayo inuu isbedel ku sameeyo hogaanka Gobolka Banaadir, iyada oo lagu wado in bishan gudaheeda la magacaabo guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha haatan xilka haya, Maxamed Axmed Amiir, oo xilkan loo magacaabay 10-kii December 2024, ayaa la filayaa in laga qaado xilka sababo la xiriira qodobo dhowr ah oo uu madaxweynuhu ku qancay in isbedel lagu sameeyo maamulka gobolka.

Ilo xog ogaal ah oo ku dhow dhow Madaxtooyada Qaranka ayaa RNN u xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu muddo 5 bilood ah kaddib magacaabista guddoomiye Amiir, si qoto dheer ugu lafa guray waxqabadka maamulka gobolka, taas oo keentay go’aankiisa ah in isbeddel lagu sameeyo hoggaanka gobolka.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegayaan, Madaxweynaha ayaa hadda u kala xulanaya laba danjire midkood in loo magacaabo xilka guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir. Labada danjire ee miiska saaran ayaa kala ah:

1. Maxamed Cabdullaahi Axmed (Maxamed Dheere) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Serbia.

2. Daahir Xasan Xuseen (Daahir Carab) – Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la sheegayaa inuu si dhow u eegayo doorka ay labada mas’uul ka qaadan karaan horumarinta iyo dib u habeynta caasimadda, iyadoo loo marayo aragti siyaasadeed cusub oo lagu xoojinayo maamul wanaagga Gobolka Banaadir.

RNN Somali TV waxay si dhow ula socon doontaa isbedelkan siyaasadeed ee la filayo inuu dhaco maalmaha soo socda.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here