Madaxweyne Xasan Sheekh oo Tacsi u diray Geerida Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax

0
39

Muqdisho, 6-da May 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelka, iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed kaddib geeridii naxdinta lahayd ee ku timid Alle ha u naxariistee Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax.

Madaxweynuhu wuxuu ammaanay doorkii muuqday ee Ugaasku ku lahaa nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay kaalinta uu ku lahaa xoojinta dowladnimada iyo midnimada qaranka.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Alle ha u naxariisto Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax. Ugaasku wuxuu ahaa astaan iyo tiir weyn oo dhaqanka Soomaaliyeed ah, wuxuuna door weyn ka qaatay nabadeynta, isku xirka iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn Alle uga baryay inuu marxuumka ku abaalmariyo Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna ka siiyo qoyskiisa, qaraabadiisa iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here