Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Jarmalka +Sawirro

0
61

Wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Berlin ee caasimadda dalka Jarmalka ka dib markii uu martiqaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka Mr, Olaf Scholz.

Madaxweynaha ayaa kulamo muhiim ah la qaadan doono Ra’iisul Wasaaraha dalka jarmalka Olaf Scholz, iyagoo ka wada hadli doono xiriirka soo jireenka ah ee Soomaaliya ee Jarmalka sida dib u soo nooleynta mashaariicdii farsamada gacanta, isbedelka cimilada, horumarnita booliska Soomaaliyeed, iyo howlgalka cusub ee Midowga Afrika iyo arimo kale.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeybgalaya Shirweynaha maalgashiga Afrika iyo Jarmalka, oo muhiimad gaar ah u leh maalgashiga Soomaaliya, maadaama dalkeenu labadii sano ee la soo dhaafay ku guuleysatay arimaha deyn cafinta, la dagaalanka Argagixsada, ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.

Soomaaliya iyo Jarmalka ayaa leh taariikh soo jireen ah, waxana safarka Madaxweynahu soo cilinayaa iskaashiga Jarmalka oo ah dal muhiim u ah Soomaaliya Taageerada tooska iyo midda Midowga Yurub.

 

465467960_1059639506202655_7980384961349499812_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600&_nc_cat=108&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=sy4gI9FyEV0Q7kNvgHr0SVx&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Jarmalka +Sawirro
465732791_1059639502869322_2745606178114540144_n.jpg?stp=dst-jpg_p526x395&_nc_cat=102&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=ReNDNZOFbm0Q7kNvgFMgH_D&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Jarmalka +Sawirro
465287905_1059639499535989_3411138791078748021_n.jpg?stp=dst-jpg_s600x600&_nc_cat=101&ccb=1-7&_nc_sid=127cfc&_nc_ohc=wtziogf_mnAQ7kNvgFGfghQ&_nc_zt=23&_nc_ht=scontent.fmgq1-2 Madaxweyne Xasan Sheekh oo si weyn loogu soo dhaweeyay Dalka Jarmalka +Sawirro

About The Author

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here